Allbanaadir.com
NEWS

Lix ka mid ah Shaqaalaha Hormuud oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Shan ka mid ah shaqaalaha Hormuud oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Qarax lala eegtay gaari marayay waddada xiriirisa Xamar iyo Afgooye ayaa sababay dhimashada shan ruux oo gaariga saarnaa.

Dhamaan dadka geeriyooday ayaa la sheegay iney ahaayeen shaqaale ka tirsan Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud oo ah mida ugu weyn koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga oo qaraxu ku qabsaday degaanka Weydow uu qabsaday dab, ayna ku dhex gubteen dhamaan dadkii la socday oo halkaas ku qur baxay

Sidaasoo kale shalay nin ka tirsanaa isla shirkadda ayaa lagu dilay Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Laamaha dowlada Somalia iyo maamulka shirkada Hormuud ayaan illaa hadda war ka soo saarin weerarkan oo qeyb ka qeyb weeraro isdaba joog ah oo mudooyinkan lala beegsanayey shaqaalaha iyo gaadiidka shirkadda.

Related posts

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sabab yaab leh lacagtii ugu jartay iskuulada wax lagu baro dadka arag la’ !!

admin

Maraykanka oo shaaciyey hal arrin oo ay Iskaashi kala sameyn karaan Maamulka Taliban

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo 24 saac gudahood xukuno toogasho ah ku fulisay dadkii ugu badnaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---