Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Biixi oo ka qeyb galay shir ahmiyad gaar ah u leh Somalia (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo 𝐈𝐃𝐀, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Qaaradda Afrika.

Shirka maanta oo ah heer Wasiir Maaliyadeed ayaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika si uu Bangiga Adduunka u maalgaliyo, qodobada ay soo saaraan Wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer Madaxweyne, kaas oo qab soomi doona 29-ka April 2024-ka.

Shirkaan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah si oo sare loogu qaadayo wax soo saarka gudaha, dib-u-habeynta maaliyadda taas oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Related posts

Farmaajo oo la kulmay, Madaxda Ahlu sunna & Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Somalia & Marooko oo kala saxiixanaya heshiis cusub oo khuseeya hal arrin

Caydiid Ali

Tirada kiisaska cudurka COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya oo kordhay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---