Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in dalalka Mareykanka & UK ay ciidamo u dirayaan Magaalada Gaza?

Ingiriiska ayaa markii u horreysay sheegay inay ka fakarayaan ciidamo inay geeyaan bartamaha magaalada Qasa oo ay ku dagaalamayaan ciidamada Yuhuuda iyo xoogaga faladtiiniyiinta ee hubeysan.

Waxay sheegayaan in ciidamadaas ay ka qayb qaadan doonaan kaliya gudbinta gaadiidka gargaarka ee laga soo dejinayo dekedda kumeel-gaarka ah ee Qasa iyo qaybintooda, sida u sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Ingiriiska oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu intaa ku daray inaysan ciidamadaa noqon doonin kuwa loo adeegsado dagaalka.

Mareykanka ayaa horey u sheegay inuu dekedda KMG ah ee Gaza ay ciidamo gayn doonaan, tana waxay noqonaysa tallaabadii u horreysay oo Ingiriiska iyo Mareykanka ay ciidamo ku gaynayaan gudaha Qasa.

Waxaa sidoo kale muuqato ujeeddooyinka laga leeyahay inay qayb ka tahay xoojinta howlgallada sirdoonka ee lagu baadi goobayo maxaabiista Israel iyo saraakiisha Xamaas ee la baadi goobayo.

 

Related posts

Al Nuur Qur’an Online oo ogeysiis Muhiim ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Farmaajo oo  qaabilay Guddigii Soomaaliya ku matalayay Kiiska Baddeena (Sawirro)

Cabdi Cade

Wariye iyo labo Sargaal oo katirsan Al Shabaab oo Xukuno adag lagu riday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---