Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo ogolaatay inta badan shuruudihii Xamaas ku xirtay xabad joojinta Gaza

Israa’iil ayaa markii u horreysay soo bandhigtay heshiis ay ku sheegtay inay furantahay in laga wada-hadlo joojinta dagaalka Qasa.

Sidoo kale soo jeedinta ayaa la sheegay in lagu aqbalay dalabaadka Xamaas oo ay ku jiraan in Falastiiniyiinta ka qaxday loo oggalaado si buuxda inay ugu laaban karaan waqooyiga Qasa iyo in sidoo kale ciidanka Israa’iil laga saaro isgoysyada isku xira marinka si uu u dhaco dhaqdhaqaaq xor ah, taaso ku dhici karta in marka hore la sii daayo maxaabiista hab bani’aadanimo.

Lama sharrixiin inay tan la xiriirto sii deynta maxaabiista wajahaya xaaladda caafimaad, dumarka iyo waayeelka.

Soo jeedintan oo noqonaysa middii u horreysa oo nooceeda ah oo ka imaanaysa Israa’iil tan iyo markii uu bilowday wada-hadallada, ayaa la sheegay inay si wadajir ah u soo diyaariyeen kooxda wada-xaajoodka Israa’iil iyo Masar, kaddib markii wafdi ka socda sirdoonka Masar ay tageen Israa’iil.

Xamaas ayaa dhankeeda xaqiijisay inuu soo gaaray soo jeedin ka timid dhinaca Israa’iil, xilligaana ay ku jiraan daraaseyn iyo wada-tashiyo la xiriira, marka ay soo dhammeeyaana ay soo gudbin doonaan jawaabtooda.

Related posts

Jubbaland oo ka hadashay caqabada heysata Shirkii lagu balansanaa Muqdisho

Caydiid Ali

Kheyre oo Reer Dhuuso Mareeb ku amaanay Diyaar garowga ay ku jiraan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Deni ku soo arkay dhismaha Mashaariic laga hirgelinayo Boosaaso?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---