Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Casho sharaf caawa Muqdisho loogu sameeyey wufuuda shirkii OIC

Wufuudii ka socotay 15 dal ee maanta ka qeyb galay shirkii kooxda xiriirka Somalia ee ururka iskaashiga islaamka ayaa caawa sharaf loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Casho sharaftan oo uu soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha dowlada, qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u fadhiya Somalia masuuliyiinta gobolka iyo xubno kale.

Xubno ka tirsanaa wufuuda Carbeed oo cashada ka dib hadal ka jeediyey munaasabadaas ayaa ka mahad celiyey sida sida diiran ee dalka loogu soo dhoweeyey iyagoo amaanay horumarada ay ku talaabsatay dowlada.

Xubnaha wufuudan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho oo ay sheegeen iney klu arkeen horumar dhinac walba leh oo aad uga sareeya intii ay filayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar lagu qaaday Kolonyo gaadiid ah uu la socday Madaxweyne Caan ah

Cabdi Cade

Daawo: Halis Siyaasadeed oo ku soo wajahan Farmaajo & shir ka furmay Imaaraadka

Caydiid Ali

Madaxweyne Waare ma gobolka Hiiraan kaliya ayuu maamulaa Mise ?!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---