Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in Boqol Xubnood oo katirsanaa Al Shabaab isku soo dhiibeen

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ay soo dhaweynayaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Al Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda, kaddib markii Madaxweynaha  Soomaaliya uu cafis u fidiyay qof kasta oo ay qaldeen cadowga oo doonaya in uu dadkiisa si nabad ah ugu laabto.

Dowladda ayaa sheegtay in toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira oo muddo dheer ka tirsanaa Al Shabaab ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladdooda sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Khawaarijta.

Warka dowladda ayaa lagu sheegay in ay ku dhiira-gelinayso dhallinyarada ay qaldeen cadowga in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay caruurtooda ka soo reebaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dowladda Kenya

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay kulan xalay ka dhacay Villa Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Adolf Hitler oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dal ka tirsan Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---