Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhiga DF iyo wakiilka QM oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan sagootin ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing.

Waxaa lagaga hadlay kulanka miro dhalka dadaallada  dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay ugu jiraan hormarka dalka.

Catriona Laing ayaa kala hadashay Wasiirka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo xilliga kala-guurka amniga ee ATMIS ay ku wareejinayaan amniga ciidamada Soomaaliya iyo arrimo kale.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay in sare loo qaado taageerada aqooneed ee ay saaxiibbada caalamku siinayaan Ciidanka XDS iyo in la dhiso awooddooda.

Waxaa kale oo kulanka lagu gorfeeyay muhiimada kaalinta Qaramada midoobay ee taageerada dib u dhiska  Ciidamada iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya.

Related posts

Qaar ka mid ah xubnaha Mucaaradka oo ku biiray soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ee Galmudug (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mid ka mid ah dalalka Islaamka oo laga Mamnuucay Tiktok iyo Game-ka PUBG

Caydiid Ali

Muftiga Al-Azhar oo ka hor yimid go’aan adag oo Mamulka Taliban ka soo baxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---