Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay degaan hoos taga gobolka Hiiraan

Deegaanka Ceel-macaan oo u dhaxeeya degmada Jalalaqsi iyo deeganka Buurweyn ee gobalka hiiraan waxaa howlgal lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Al Shabaab ka fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka degaanka.

Waxaa sidoo kale xubnaha la dilay halkaas looga furtay mooto, Fekon, taleefano  iyo gacanka ay kuwada xiriiraan sida ay sheegeen saraakisha ciidamada.

“Howlgalkan guuleystay ayaana geesiyaasha XDS iyo dadka deganka maanta kafuliyeen degaanka Ceel-macaan ee gobolka Hiiraan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada

Maalmahan waxa gobalada dalka kasocda howlgalo ka dhan ah Al shabaab, waxaana lagu dilay howlgaldaas xubno badan halka qaar kale lagu dhaawacay.

Related posts

Qarax weyn oo ka dhacay degmada Wanla-weyn iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Dowlad ka carootay sida Mareykanka ula dhaqmay muhaajiriin uu soo tarxiilay

Cabdi Cade

RW Khayre oo la kulmay qaar ka mid ah Safiirada dalalka caalamka u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---