Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo war ka soo saaray geerida Suldaan Axmed Rashiid Sh. Shucayb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shucayb.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta, adkeynta wadajirka shacabka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Related posts

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo Tababar loogu soo xiray Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Dil maanta Garowe loogu geestay wiil kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo war ka soo saartay qarax saaka lagu weeraray saldhigooda Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---