Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta howlgalka deg-dega ah ee caafimaadka G/Banaadir oo xarigga laga jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray xarunta howlgalka deg-dega ah ee caafimaadka dadweynaha gobolka Banaadir.

Xaruntaan oo laga hirgeliyay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa noqon doonta mid la socota dhaq-dhaqaaqyada xaaladaha caafimaadka ee gobolka ka jira iyo uruurinta xogaha, sida uu sheegay agaasimaha caafimaadka maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xaruntaan howlgalka deg-dega ee caafimaadka dadweynaha ay qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida adeegyo caafimaad oo ay baahi u qabaan bulshada gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, isagoona faray agaasinka caafimaadka dowladda Hoose ee Xamar in xoogga la saaro arrimaha Faya-dhowrka si loo ilaaliyo bad-qabka Bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia jooga (ATMIS) far baa ku godan.!!

Caydiid Ali

Fiqi oo shaaciyey in Puntland ay iska diiday taageerada DF

Caydiid Ali

(Akhriso) DF oo shaacisay xiliga la galayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---