Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay shirka wajiga labaad ee Mashruuca JPP (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS S/Guuto C/laahi Sheikh ismaaciil (Fartaag) ayaa Gudoomiyey shirka wajiga Labaad ee mashruuca JPP ee Horumarinta Boliiska Soomaaliyeed, kaasi oo looga arrinsanayo sidii loo Horumarin lahaa Boliiska,

Shirkan waxaa Goobjog ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Wasiirada Amniga Dowlada Goboleedyada Xubinta ka ah Dowlada FDS iyo deeqbixiyaasha.

Ujeedka Shirkan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay ula falgalaan Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Fartaag oo shirka hadal ka jeediyey ayaa uga mahadceliyaya saaxiibada Caalamka ee Marwalba garab istaaga Boliiska Soomaaliya.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa ka hadlay habka loo marayo mashruuca Hormarinta Boliiska Soomaaliya, kana mahaceliyay shqeynta wanaagsan ee saaxiibada caalanka ee garab istaagay Boliiska Soomaaliya.

Related posts

Ma laga yaabaa in  Imaaraadka iyo Qadar ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda?

admin

Boqortooyada Sacuudiga oo Go’aan ka soo saartay in beri la ciidayo & in kale

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in la dilay in ka badan 40-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---