Maxkamad ku taalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa xukuntay in booliiska Turkiga ay takoor ku sameeyeen milkiile maqaayadeed oo Soomaali ah, iyagoo aqoonsaday midab-takoor lagu fulinayo tallaabooyin ka dhanka ah ganacsiyada ay leeyihiin dadka soo galootiga ah.
Go’aankan ayaa daba socda dhacdooyin is xigxigay oo muujinayay nacaybka ka dhanka ah muhaajiriinta ee kusii kordhaya caasimadda Turkiga.
Maxamed ciise cabdullaahi, oo ah milkiilaha maqaaxida Somali Saab Cafe ee ku taal Kızılay, ayaa wajahay weeraro uga imanaya Booliska oo bilowday sannadkii 2021, taasoo keentay in la xiro ganacsigiisa.
Laba makhaayadood ayaa Maxamed kaga xirmay tacaddiyada loo geystay iyaga iyaga, shaqaalaha iyo macaamiishaba taas oo ugu dambeyn horseedday in ay xirmaan labada makhaayadood ee kala ah SAAB iyo Somali Sofrasi.
Maxamed ayaa sheegay in ay makhaayadaha inta badan ku samayn jireen cuntooyinka Soomaalida iyo kuwa bariga Afrika isla markaana macaamiishoodu ay u badnaayeen dadyowgaas.
Markii dhaqaalihii dalku xumaaday, doorashooyinkuna soo dhawaadeen xilligii karoonaha kadib ayaa waxaa bilaabatay in si toos ah loo yidhaahdo Soomaalidu meesha haka guuraan,” ayuu yiri Maxamed oo sheegay in markii hore si fiican loo soo dhaweeyay.
Balse nacaybka lagu kala ayu uku sifeeyay in marka dal dhaqaalihiisu xumaado, ay dadku , “si ula xiriiriyaan in ay ku lug leeyihiin dadka ajaaniibta ahi… marka maadaama ay Soomaalidu midab ahaan ka duwan tahay dadka Turkida ah iyo dadka kale ee Aasiyaanka ah sidaas ayey bartilmaameed ku noqdeen”.
Maxamed waxa uu raadiyay dacwo sharci ah waxana uu dacwad u gudbiyay hay’ada xuquuqul insaanka iyo sinnaanta ee Turkiga (TİHEK), taas oo markii hore wayday wax xadgudub ah.
Si kastaba ha ahaatee, go’aankan ayaa maxkamad la horgeeyay, taasoo keentay go’aankan adag.
Maxkamadda maamulka 5-aad ee Ankara ayaa ogaatay in falalka ay ku kaceen mas’uuliyiinta fulinta sharciga intii ay socdeen howlgallada ay ahaayeen kuwo isir naceyb ah. Cadeymaha muuqaalka ah ee uu soo bandhigay Maxamed Ciise ayaa muujinaya hadalo takoor ah oo ay sameeyeen saraakiisha booliiska waxayna xaqiijiyeen “dhaqankooda cunsuruyadda ah”.
“Booliska Turkiga waxay nagu takooreen Soomaali baan nahay, taasna waxaa hadda lagu xaqiijiyey go’aan maxkamadeed,” ayuu yiri Maxamed oo Soomaaliya ku maqnaa tan iyo markii lagala noqday sharciga.
Maxamed ayaa ku sifeeyay in halganka sharciga ee ay galeen laba waxyaabood laga baran karo, “tan kowaad in la fahmo in dadka Soomaalida ahi wax iska dhicin karaan oo xuquuqdooda yaqaaniin raadsanayaanna, iyo tan labaad oo ah in dadka doonaya in ay ganacsi ka samaystaan Turkiga ay ogaadaan in sharcigii ay ganacsiga ku bilaabeen ee dalka ka jiray uusan hadhow iyaga ilaalin doonin”.
Arrintan ayaa loo tiirinayaa in ay riixayayaan qolyaha midigta fog ee Turkiga oo kasoo horjeeda soo galootiga, waxayna wargeysyada taageera soogalooti diidku qoraan maqaallo iyo warar ka dhan ah dadka aan asal ahaan Turkida ahayn ee halkaas ku jooga qaxooti ahaan amaba ganacsato.
Wargayska lagu magacaabo Sozcu ayaa sannadkii 2021 qoray sida tan:
”Ganacsatada iyo dadka qaxootiga ah ee ka soo qaxay dalka Soomaaliya ee ku yaala Bariga Afrika ayaa gabi ahaanba dhalan rogay laba wado oo ku yaala xaafadda Kızılay ee xudunta u ah magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Waxay sudheen boorar ku qoran af-Soomaali waxayna furteen maqaayado, timo-jareyaal, dukaamo, saaluunno iyo suuqyo”.
Warkan ayaa lagu xusay Maxamed Ciisa Cabdullaahi iyo laba maqaayadood oo uu ka furtay dalka sida uu wargeysku ku doodayo.
“Maxamed ciise cabdullaahi oo cilmiga dhaqaalaha iyo diimaha ka bartay jaamacada Samsun 19 Mayıs ayaa waxbarashada jaamacadda ka dib waxa uu sii joogey dalka Turkiga waxa uuna furay laba maqaayad oo kala duwan” ayuu sheegay wargeysku.
Wararkan ayaa loo arkaa in ay tooshka ku ifiyeen Maxamed iyo kuwa kale si ay bartilmaameed ugu noqdaan xubnaha laamaha ammaanka ee midab takoorku ku jiro.
Sannadkii 2021, wargeyska Middeasteye ayaa qoray in aagga Kizilay Square oo ah halka laga xiray maqaayadda Maxamed ay soo nooleeyeen ganacsato Soomaali ah.
Bulshada Soomaaliyeed ee sii kordheysa ee caasimadda Turkiga ayaa halkan ka hirgeliyay maqaayado, goobo lagu shaaho, dukaanno dharka lagu iibiyo iyo ganacsiyo la-talin ah, iyagoo si tartiib tartiib ah goobtan duugga ah uga dhigay xaafad firfircoon.
Si kastaba ha ahaatee, barwaaqada xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa dalka Turkiga ka noqotay bartilmaameed xadgudubyo, halkaasoo ay ku soo badanayaan nacaybka soogalootiga, ayuu yiri wargeysku.
Soomaalida ayaa lagu tiriyaa in ay yihii dad firinfircoon oo ganacsiyo ka sameeya mel kasta oo fursaddaas siisa. Ka horeeyay caabuqa Covid19 ee caalamka badalay, waxaa sare u kacay Soomaalida deegaan ahaan iyo ganacsiba ugu guurayey dalka Turkiga oo ay soo dhaweyn kala kulmeen dhanka dawladda iyo shacabka intiisa badan.
Source BBC