Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku dhawaaqay hindise lagu casriyaynayo howlaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah shir-guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadaan Xoghayaha Joogtada iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda oo diiradda lagu saaray isbedello istiraatiijiyadeed oo ujeedkeedu yahay hagaajinta iyo dardargelinta shaqada.

Intii lagu guda-jiray kulanka, Waxa uu Wasiir Fiqi faray fulinta qorsheyaal hiigsi leh oo dib loogu habeynayo arkiifiyada iyo adeegyada qunsuliyadeed, iyadoo ujeeddadu tahay casriyaynta iyo ka dhigidda “degital” nambar iyo tixraac leh.

Waxa uu caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka labo geesoodka iyo midka dhinacyada badan, isaga oo qeexay istiraatiiyado lagu xoojinayo xiriirada siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho, iyadoo la unkayo feelal dhammaystiran oo u samaysan hab juquraafi ah.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si la hubo loo keydiyo dukumintiyada iyo natiijooyinka ka soo baxa shirarka iyo wadahadallada dibadda si loo raad-raaco, loona fuliyo.

Waxa uu dhiirrigeliyay hal-abuurka iyo wax-soo-saarka oo uu sheegay inay yihiin tiirar lama-huraan ah oo lagu gaaro guulo diblamaasiyadeed, ayna xoojiyanayaan sumcadda Soomaaliya ee caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladu wado dedaalo lagu joojinayo dagaalka Tukaraq (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wiilashada Trump oo Eedeyn u jeediyay Xisbiga Jamhuuriga uu aabahood katirsan yahay

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo bilaabay Wadatashiyo la xiriira RW cusub & shaqsiyaad la hadal hayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---