Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay la socdeen wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Hirshabelle ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Cali Guudlaawe iyo masuuliyiinta kale ee la socotay waxaa degmada Balcad kusoo dhaweeyay maamulka degmada Balcad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaana maanta xariga ka jaray garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo ee dhawaan laga dhisay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo deegaannada maamulka Hirshabelle ayaa aad u yar marka loo eego maamulada kale, waxa ayna Balcad markan nasiib u ueelatay kaliya in loo dhiso garoonkan loogu magac daray Dr Ayuub Jeenyo.