Allbanaadir.com
NEWS

Tirada cod-bixiyayaasha Somaliland ee sannadkan ka qeyb galaya Doorashada oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa madaxda xisbiyada iyo rurrada siyaasadda guddoonsiiyey liista kama-dambaysta ah ee cod-bixiyayaasha doorashada madaxtooyada iyo doorashada tooska ah ee xisbiyada.

Qoraal ay diyaariyeen guddiga doorashada Somaliland ayey ku sheegeen in tirada guud ee codbixiyeyaasha sannadkan wax doonaranaya ay gaarayaan in ka badan hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof.

Doorashada Somaliland ayaana la qorsheeyey inay dhacdo 13-ka November 2024 ee sannadkan, waxa ayna xisbiyadda ka jira Somaluland bilaabayaan u diyaar garoga doorashada soo socota oo loollan xooggan loo galayo.

Guddiga doorashada goobaha ay cod-bixiyaasha ka diiwaan-geliyeen waxaa kamid ah gobolka Sool oo hadda intiisa badan ka maqan gacanta maamulka Somaliland, lamana oga sida deegaannada gobolkaasi doorashada uga dhici doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shabaab ka soo gudbay webiga oo khasaare culus la gaarsiiyey

Caydiid Ali

Somaliland oo Xisbiyadda Mucaaradka u Ogolaaday Banaan bax Shuruudo adag ku xiran yihiin

Cabdi Cade

Jubbaland oo DF ku eedeysay dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---