Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo xilka ka qaaday Wakiilkii Somaliland u joogay dalka Itoobiya

Madaxweynaha maamulka  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/04/2024 soo saaray xilkii kaga qaaday wakiilkii Somaliland u fadhiyey dalka Ethiopia , isagoona magacaabay wakiil Cusub.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xilka looga qaaday Cumar Cali Cabdillaahi Bade oo ahaa wakiilkii Somaliland u joogay dalka Ethopia, waxaana wakiilka cusub ee Ethopia loo magacaabay Aadan Geeddi Qayaad Cabdi .

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Cumar Cali Cabdillaahi Bade

Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalmiga ah

Mudane, Waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Aadan Geeddi Qayaad Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sugida Amniga Caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga shiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Wasiir Jamaal

Caydiid Ali

War Murtiyeed ka soo baxay shirkii madaxda DF & dowlad goboleedyada (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---