Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada Hubeesan oo laga mamnuucay in lagu dhax arko Kismaayo (Daawo Sawirada)

Wasaarada Amniga maamulka Jubbaland ayaa maanta shaacisay in magaalada Kismaayo laga mamnuucay in lagu dhax arko Ciidamada hubeesan oon aheyn kuwa amaanka loo xil saaray .

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in gudaha magaalada laga mamnuucay in lala dhax maro hub sharci daro ah.

Waxa uu sheegay Wasiirka in magaalada Kismaayo ka howl bilaabayaan ciidamo isku dhaf ah oo kawada tirsan Ciidanka Nabad sugida, booliiska iyo Daraawiishta Jubbaland, waxa ayna ciidankan ka shaqeenayaan amaanka magaalada .

Magaalada Kismaayo ayaa inta badan lagu dhax arkaa ciidamo hubeesan , waxaana magaalada mararka qaar ka dhaca falal amaan daro ay ku lug leeyihiin ciidamada maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul ka tirsan Maamulka magaalada Belad-weyne oo toogasho lagu dilay

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in dowladda Somalia shuruudo ku xirtay sii deynta Cabdi Janan?

Caydiid Ali

Ukraine oo shaacisay in nolosha ku qabteen 100 askari oo Ruush ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---