Xildhibaanad u dhalatay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Beatrix von Storch ayaa waxaa ku socda baaritaano la xariira qoraalo ay ku baahisay baraha bulshada oo ay ka muuqdeen islaam naceyb iyo kicin dadweyne.
Beatrix von Storch ayaa baraha ay ku leedahay Twitterka iyo Facebook ku qortay hadalo islaam naceyb ah iyo kicin dadweyne intii lagu guda jiray dabaal dega sanadka cusub ee 2018-ka.
Xildhibaanadan oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga AfD ayaa soo qortay in booliiska magaalada Cologne ay iska daawanaaan ayna qancinayaan rag Muslim ah ay sheegtay in ay kufsi u geesanayaan gabdhahooda.
Booliiska ayaa hada baaritaano kuwada hadaladan naceybka ku saleysan ee ku dhawaaqday Xildhibaanadan Jarmalka ah, waxa ayna booliiska sidoo kale ka baaran dagayaan in dacwado kusoo oogaan .
Baraha ay Twitterka iyo Facebooka ku laheyd siyaasiyadan ayaa saacado kooban hawada laga saaray, waxaana lagu eedeeyay in ay ka xadgudubtay shuruucda u degsan baraha bulshada kuna dhaqaaday kicin dadweyne iyo Islaam naceyb.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com