Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Israa’iil oo si arxan daro ah u dilay Aabbe, xaaskiisa iyo carruur ay dhaleen

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 9 qof oo 6 ka mid ah ay carruur ahaayeen lagu dilay duqeyn ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmada Rafah ee Marinka Gaza.

Duqeyntan oo qeyb ka ah weerarka ay Israil ku heyso magaalada go’doonsan ee Gaza muddo 7 bilood ah, ayay saraakiisha caafimaadka isbitaalka al-Najjar sheegeen, in dadka dhintay ay ku jireen Abdilfatah Subxi Ridwan iyo xaaskiisa Najla Axmed Cuweydah iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen iyo abtigood.

Wararka kale ee naga soo gaaray dhulka la heysto Daanta Galbeed ayaa sheegaya, in Sabtidi shalay ay ciidamada Isra’il dileen ilaa 14 Falastiiniyiin ah, kaddib marki ay weerareen kaamka Nur Shams.

Ciidamada Israil ayaa saacadihii hore ee jimcaha billaabay duullaan ballaaran oo ay ku qaadeen aagga Nur Shams, oo u dhow magaalada Tulkarm ee Falastiiniyiinta, waxaana ilaa xalay la maqlayay rasaas ay is weydaarsanayeen ciidanka Israil iyo dagaalyahanno hubeysan oo Falastiiniyiin ah.

Guutada Dulkaram oo ay ku mideysanyihiin kooxo dhowr ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in ciidankooda ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada Isra’il shalay.

Eeriyada iska hor imaadyadu ka dhaceen ee Nur Shams ayaa hooy u ah qaxooti Falastiiniyiin ah oo halkaasi daganaa tan iyo dagaalki 1948-di, markaas oo aheyd xilligi la abuuray Dowladda Israil.

Daanta Galbeed oo qariirad ah u qaabeysan sida killida oo kale, ayaa ku fadhiya dhul dherirkiisu dhan yahay 100 km iyo 50 km oo ballac ah, waana xuddunta colaadda Isra’il iyo Falastiin tan iyo marki ay Isra’il halkaasi xoog kula wareegtay dagaalki Bariga Dhexe ee sannadki 1967.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbitaalka Dalmar oo soo gebagebeeyey Mashruuc indho fiiqis bilaash ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan ku goodiyey in xubnaha ka soo jeeda Somaliland ku laaban doonaan Hargeysa

Caydiid Ali

Qatar oo marti-gelinayso Shir Degdeg ah oo looga arrinsanayo Biyo-xireenka Ethiopia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---