Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Racfaanka oo maanta dhageysaneysa Kiiska ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho

Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah bilaabeysa dhageysiga kiiska dilka ah iyo gubitaanka ah uu xaaskiisa magaalada Muqdisho u geestay Siid-cali Macalin Daa’uud.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa bishii hore maxkamadda gobolka Banaadir ku riday xukun dil ah, kaddib markii ay ku heshay in dil bareer ah iyo gubitaan u geestay xaaskiisa oo uur laheyd Luul Cabdicasiis.

Xukunkii hore ee dilka ah waxaa racfaan ka qaatay Sayid-cali Macalin Daa’uud oo isagu diidan in xaaskiisa si kas ah u dilay, waxaana laga war sugayaa mar kale go’aanka ay maxkamadda Racfaanka kasoo saari doonto kiiskan.

Ehelada Luul Cabdicasiis ayaana horey u diiday in wax diyo ah ka qaataan ninkan dilay gabadhooda, waxa ayna dalbanayeen in xukun dil ah lagu ridio ninkan sida arxan-darada ahaa u dilay gabadhooda oo xaas u aheyd.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bambooyin loo kala diray madaxdii hore ee Maraykanka & xubno xisbiga dimoqraadiga ka tirsan

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha Isra’il oo xaalad adag wajahaya iyo Xamaas oo sabab u ah

Cabdi Cade

Soomaalida ma Shan dal in ay noqoto ayaa wanaagsan mise dal kaliya isku noqoto ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---