Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Magacyada Saraakiil Al shabaab loogu dilay howgal ka dhacay duleedka Jamaame

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay jiinka wabiga Jubba ee nawaaxiga degmada Jamaame ka wadaan ciidanka Kumaandoska Danab iyo kuwa  Jubbaland  ee Guutada gurmad Qaran

Wararka ayaa ayaa sheegaya in ciidanku weeraray godod ay difaac kaga jireen kooxda Al shabaab kadib hawlgallo aan kala joogsi lahayn oo ay ciidamadu maalmihii u dambeeyey ka samaynayeen deegaanno dhaca jiinka wabiga Jubba, gaar ahaan tuulooyinka ku teedsan degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa al shabaab looga dilay in ka badan 50 dagaalyahan halka intaas in Ka badana lagu dhaawacay sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysa.

Waxaa kaloo howlgalkan lagu qabtay tiro maxaabiis ah, ciidama ayaana fashiliyay tiro  minoyin oo lagu talagalay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Howlgalkaan oo socday maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamadda dowladdu waxaa ay ku qaarajiyeen saraakiil muhiim u ahaa al shabaab waxaana ka mid ah, Caana-Nuug iyo Sheekh Nuur oo kooxdaas u qaabilsanaa miinada iyo sarkaal kale oo  lagu magacaabo Sheekh Xuseen.

Related posts

Daawo:- Ma Mudan yahay in Madaxwayne Farmaajo mar kale dib loo soo doorto (Fikirkaada ka dhiibo Qaybta Hoose)

admin

Farmaajo oo u yeeray Shiikh Shariif & Xassan Shiikh iyo qorshe cusub oo socda

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu horkacayey oo dalka ku soo laabtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---