Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano ka socda Baarlamanka EAC oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo habdhowre kuxigeenka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim iyo sidoo kale Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhoweeyay 12-Xildhibaan oo ka socday Baarlamanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho.

Xubnaha ka socday Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ayaa dalka ku yimid casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe,waxaana muddada ay joogaan ay guddoonka Baarlamaanka talo ka siin doonaan xulista xildhibaanadda dalkeena ku mateli doona Baarlamanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Booqashada xubnahan oo muddo laba maalmood ah ayaa inta ay dalka joogaan waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka oo ay ka mid yihiin guddoonka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo wada shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Related posts

Guddoonka Maxkamada sare ee dalka oo go’aano culus soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

DFS oo saxiixday heshiis looga cafinayo lacag dhan $100 Milyan (Sawirro)

Cabdi Cade

Wiilka uu dhalay Madaxweyne Musaveni oo ku gacan seyray amarkii uu siiyey aabihiis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---