Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi uu horkacayo Vladimir Orlié(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya  u qaabilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Seerbiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo Ergeyga ka guddoomay dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Seerbiya Mudane Aleksandar Vučić, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Seerbiya garab istaagga iyo taageerada ay u muujisay Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska ciidanka Qaranka oo xilligaan muhiim u ah dalka.

Dhankiisana, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya ee Geeska Afrika ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, waxa uuna xusay miro-dhalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo qaabilay Marwo Catriona Laing iyo Xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Diblomaasi ka faallooda arrimaha geeska Afrika oo shaki Weyn ka muujiyay Kulankii Nairobi

admin

Waalidiinta Filsan Cabdullaahi oo lagu xiray magaalada Jigjiga iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---