Allbanaadir.com
NEWS

Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan oo baaqday iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay in beri oo Sabti ah ka dhacayo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday cilado farsamo aan la shaacin owgeed.

Qoraal goordhaw kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan warfaafinta ayaa lagu sheegay in shirkii Wadatashiga uu ku baaqay Madaxweynaha u baaqday cilado farsamo  .

Xukuumadda qoraalka kasoo baxay ayaa kaliya lagu sheegay in shirka dib loo dhigay muddo kooban oon la cayimin, waxa uuna baaqashada shirkan imaanayaa xilli madaxda maamulada dalka qaarkood Muqdisho joogaan, halka kuwa kalana dalka ka maqan yihiin.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo kamid ah madaxda lagu casuumay shirka ayaa horey uga biyo diiday in uu ka qeyb galo, Puntland ayaa sidoo kale horey qeyb uga noqon shirarkii hore ay u yeesheen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey xaalad cakiran oo ka taagan Magaalada Khartuum

Caydiid Ali

Shirka Sanadlaha arimaha Caafimaadka oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Bangiga Amal oo maanta daah furay Adeega Keyda Dumarka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---