Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Somalia oo hal arrin tusaale ugu noqotay dalalka soo koroya ee caalamka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, xili uu soconayo shirka xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo matalaya dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay, kuna hadlay afkooda ayaa jeediyay khudbad uu ku faahfaahiyay habka unuglaanshada Deymaha, ka soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha. Tan iyo wixii ka dambeeyay December 2023, Soomaaliya waxa aheyd tusaale ay ku daydaan dalalka soo koraya ee deymaha lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdiga ku wehliya shirarka Washington waxa ay shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya ah la qaateen Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo koofurta Qaaradda Afrika, shirkaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo ballaarinta taageerada Baniga ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumarineed iyo dib-u-haneynta Maaliyadda oo hada meel aad u wanaagsan maraya.

Related posts

Xubno cusub oo kusoo biiray Shirka Muqdisho iyo Qodobada qaar oo la isku hayo

Cabdi Cade

Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay Qoraal goordhaw baraha bulshada lagu baahiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni iyo Guddoomiye Mursal oo caawa ku kulmay Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---