Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan Wasiir Fiqi la qaatay Wakiilka Q/Midoobay ee Somalia Catriona Laing (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing.

Waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen xiriirka dalalka deriska, taageerada iyo wadashaqeynta Qaramada Midoobay ee joogtada ah,  iyo kala wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS laga qaadayo loona dhiibayo ciidamada Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga wada-shaqayn lahaa wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayso Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay lama huraanka u tahay sii ambaqaadidda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Related posts

Wax badan ka Ogow Rajada Xasan Sheekh ka qabo in Mar kale Madaxweyne dalka ka noqdo

Cabdi Cade

 Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk oo goordhaw ka bad baaday Weerar lagu dili rabay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiin kale oo lagu doortay Doorasho ka dhacday Burco

Cabdi Cade
Taboola Ads ---