Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska Somaliland oo ka hadlay sababta loo xiray fanaanad Ugbaad aragsan

Waxa caawa magaalada Hargeisa lagu xirey fanaanada Soomaaliyeed ee caanka ah Ugbaad Aragsan, iyadoo Booliska ay arrintaas war ka soo saareen.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Fannaanada xirey iyadoo ku sugan goob ganacsi oo ay ku leedahay magaalada Hargeisa, sida ay ii xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugnaa goobta.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

Ciidanka Booliska JSL ayaa  gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi  oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna  wanaagsan.

Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen , waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga.

Related posts

Khilaafka Kheyre iyo Ahlu Sunna oo lasoo dhax galay iyo Qaraxii Gobolka Banaadir oo Warbixin laga soo saaray

admin

Kulan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir oo go’aan cusub laga soo saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi ku dhawaaqay in Maamul goboleed cusub dhisayo oo lagu xiray Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---