Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil katirsan ciidanka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho iyo Ujeedka socdaalkooda (Sawirro)

Saraakiil sar sare oo katirsan booliiska dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliye Xigeenka ciidanka Booliiska S/Guuto Zakia Xussen Axmed ayaa garoonka Aaden Cadde ee Magalada Muqdisho ku soo dhaweeyay madaxa xiriirka Dibada ee ciidanka Booliiska Turkiga Mudane Gökhan DEMIRTILA iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Turgay OLGUN.

Masuuliyiintaan Ka socda Turkiga ayaa la sheegay in uu casuumay Taliye Sulub, waxaana u jeedka socdaalkooda uu salka ku hayaa xoojinta wadashaqeynta labada ciidan iyo kordhinta mashaariicda dowlada Turkiga ay ku taageerto ciidanka Boliiska.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageerta tababarada iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliya , waxa ayna Tukiga si gaar ah u tababaraan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo la kulmay Masuuliyiin katirsan dowlada Imaaraadka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Daawo Muuqaal “Xaflad Sagootin ah oo lo sameeyay Aqoonyahan Saciid Ahmed Saciid

admin
Taboola Ads ---