Maamulka Israa’iil ayaa dacwad kusoo oogay gabar 17-sano jir ah oo u dhalatay Falastiin, gabadhan ayaana dharbaaxo wajiga kaga dhufatay askari Israa’iili ah xili ay ka qeyb galeysay banaan bax ka socday daanta Galbeed.
Muuqaal laga duubay Ahed Tamimi iyada oo wajiga ka dharbaaxeysa sidoo kale haraani la dhaceysa askari Israa’il kasoo jeeda ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, waxaana gabadhan dad badan ku tilmaameen mid geesiyad ah.
Israa’il ayaa gabadhan kusoo oogtay 12-dacwadood ay kamid yihiin dhagax tuur iyo waxyeelo halis ah, waxa ayna gabadhan Falastiin u dhalatay hada ku xiran tahay xabsi ay maamulaan Israa’iil.
Waxaa sidoo kale dacwad lagu soo oogay Ahed Tamimi hooyadeed oo la sheegay in iyadu duubtay muuqaalkan kadibna soo dhigtay baraha bulshada, waxaana gabadhan iyo hooyadeed ka qeyb galayeen xiligaas banaan bax looga soo horjeeday Israa’il.
Muuqaalkan Israa’il ka carootay ayaa la duubay 15-kii bishii december, waxaa ka dhax muuqday koox dumar ah oo dharbaaxaya sidoo kale waxyeelo u geesanaya ciidamo katirsan Israa’il oo xiligaasi isku dayayay in awood ku kala diraan dad banaan bax dhigayay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com