Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Maaliyadda oo Washington DC kulan muhiim ah kula qaatay Mahmoud Mohieldin

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banginga Adduunka oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kulankaan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka Soomaaliya, caawinaada IMF iyo helidda maal-galin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kaddib.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo dhiiro galiyay wiil lagu soo dhibaateeyay Hargeysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Muxuu Raisul Wasaaraha Soomaaliya ku soo arkay degmada Berdaale? (Sawirro)

Caydiid Ali

Howlgal lagu dilay 27 dagaalyahan oo ka dhacay degaanka Yaaq-dabayl

Caydiid Ali
Taboola Ads ---