Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah la iskugu yeeray

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Axad ah isugu imaanaya shir degdeg ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay iran ku weerartay Israa’iil, sida uu sheegay madaxweynaha golahaas.

Kulanka waxaa dalbatay Israa’iil oo warqad u dirtay madaxweynaha golaha Vanessa Frazier, in weerarradan ay “khatar weyn ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”.

Waxay waydiisanaysaa Golaha Ammaanka inuu u aqoonsado Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah – laanta koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Iran – urur argagixiso.

Warqad kale oo ay u dirtay Frazier, ayay Iran isku difaacday, waxayna sheegtay in ay u dhaqantay “is-difaaca nafteeda sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana jawaab u ah gardarada milatari ee Israa’iil ee soo noqnoqotay”.

Wey adag tahay in golaha amaanka ee QM isku raaco dalabka Israel, maadaama Ruushka iyo shiinaha oo lagu xagliyo dhinaca Iran aysan ogolaan doonin in la cambaareeyo Iran.

Related posts

Madaxweyne Siciid Deni oo Qoraal xasaasi ah kasoo saaray xaalada magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Nin Caan ah oo loo xiray baahinta Sawirada Meydad askar ay Al Shabaab dishay (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuqaalka ninkii ka dambeeyay qarax maanta ka dhacay Muqdisho oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---