Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Maxaa ka soo kordhay weerarkii balaarnaa ee xalay Iran ku qaaday Israel?

Iran xalay waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil, hase ahaatee ciidamada milateriga ee Israa’iil ayaa sheegay inay soo rideen qaybo badan oo ka mida gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ku soo weerartay in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsanaa bambooyin kala duwan. hase ahaatee dayuuradaha weerarka geystay ee Dronka ah ayaa la sheegay iney gaarayeen illaa shan boqol.

Saacado ka dib, haddana waxaa Iran ay markale ku dhawaaqday inay dhinaca Israa’iil ku ridday gantaallo waaweyn oo khasaare badan geysan kara.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Iran ayaa hore u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, ka dib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Hawlgalka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51aad ee axdiga Qaramada Midoobay, inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah, falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo gaabiyey fasax uu ku joogay gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware, isaga oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, lana kulmay saraakiisha amniga u qaabilsan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in Maraykanku ku caawiyay Israa’iil in ay soo riddo inta badan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ee Iiraan kusoo ridday.

 

Related posts

Dowladda oo Shaacisay in howlagl wali socda lagu dilay in ka badan 60-katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya oo War kasoo saartay Doorashadii ka dhacday magaalada Garawe

Cabdi Cade

Madaafiic Khasaaro geesatay oo lagu garaacay magaalada Baraawe xili doorasho ka socoto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---