Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ilaalada Kacaanka Iiraan oo Mareykanka uga digay inuu soo galo dagaalka

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa uga digay Mareykanka fal kasta oo ka dhan ah Iran inay jawaab adag laga bkixin doono

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa digniin u diray Mareykanka, iyagoo caddeeyay in taageero kasta ama ka qeyb qaadasho kasta oo ka dhan ah danaha Iran ay jawaab adag ka bixin doonaan.

Iran waxay sheegtay inay Maraykanka ku haysato mas’uuliyadda waxa ay ku tilmaantay “falalka xun xun” ee dawladda Israa’iil.

“Khatarta kasta oo ka timaada dawladda argagixisada ah ee Maraykanka iyo nidaamka Sahyuuniyadda ee ka yimaada waddan kasta waxaa ku xigi doona jawaab-celin ka timaada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran” ayay tiri Iran

Nidaamyada difaaca cirka ee Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa la sheegay iney qabteen qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran oo bartilmaasaday Israa’iil.

Ciidamada Maraykanka ayaan ilaa hadda lagu bartilmaameedsan weerarka Iran ay ku qaaday Israa’iil ama kuwa Iran ee taabacsan ilaa hadda, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo taageero iyo garab istaag u ballanqaaday Puntland

Cabdi Cade

FBI-da Mareykanka oo ku daba jirta Dokumentiyo sir ah oo uu ka qariyey Trump

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay guriga uu degnaa Guddoomiye Nuux Xasan iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---