Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u dhaleeceeyay dowlada Pakistaan , waxa uuna dowladaasi ku eedeeyay in ay ku dhaqmeyso been iyo Khiyaano.
Qoraal uu bartiisa Twittterka soo dhigay Donald Trump ayuu ku eedeeyay dowlada Pakistan in khiyaaneyso Mareykanka xili ay siiyaan Malaayiin Dollar oo gar gaar ah.
Waxa uu sidoo kale Donald Trump dowlada Paskisan ku sifeeyay mid been badan, waxa uuna sheegay in ay gabaad siineyso argagaxisada ay kula dagaalamayaan dalka Afgaanistaan.
“Maraykanku si doqonimo ah ayuu Pakistan u siiyay in kabadan 33 bilyan oo doolar oo deeq ah 15kii sano ee la soo dhaafay, wax aan been iyo khayaano ahaynna kama aanaan helin, iyaga oo u malaynaya in hogaamiyeyaashanadu ay doqomo yihiin,” ayuu Twitterka ku qoray Trump.
Dowlada Pakistan ayaa durba si adag uga jawaabtay hadalka kaso yeeray Madaxweynaha dalka Mareykanka, waxa ayn sheegtay Pakistan in Trump uu ka gubanayo jabka kasoo gaaray Afgaanistan.
Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in sidii loogu tala galay loo maareeyo deeqaha dowlada Marekanka ka helaan, waxaaa hada soo muuqanaya khilaafka soo kala dhax galay dowladaha Pakistan iyo Mareykanka oo xiriir dhaw lahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com