Allbanaadir.com
NEWS

Dalalka Galbeedka dadkooda ku wargeliyey inay deg deg uga soo baxaan Iran

Diyaaradaha Air France iyo Austria Airlines ayaa joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen caasimadda Iran ee Tehran.

Hawada Iran ayaa sidoo kale faaruq ah markii diyaaradaha caalamiga ah ay joojiyeen adeegsigeeda, sababo la xiriira khatarta amni ee ka dhalan karta haddii Iran ay qaado weerarro aargoosi ah oo ay ku beegsanayso Israa’iil.

Waxaa kalo jira in dalalka reer galbeedka ay ku wargeliyeen muwaadiniintooda inay si deg deg ah uga soo baxaan Iran.

Faransiiska ayaa diblomaasiyiintiisa kala baxay safaaradiisa Magaalada Tehran.

Gobolka ayaa heegan sare ku jira ka dib markii Iran ay wacad ku martay inay ka aargudan doonto weerar Israa’iil ku qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

Related posts

Guddoomiye Filish oo labo arrin oo Muhiim ah u balan-qaaday Shacabka Muqdisho

Caydiid Ali

Xamse Barre oo labo arrin ka codsaday Madaxweyne Samia Suluhu Hassan

Caydiid Ali

Guddoomiye Dhabancad oo diiday talo loo jeediyey & Ismari waa ka taagan doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---