Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo Macalimiin iyo qalab milatari u diray dal kuyaalla Afrika iyo Mareykanka oo…

Dowladda Ruushka ayaa sii kordhineysa saameynta milatari ay ku yeelaneyso qaar kamid ah waddamada Afrika, waxaana saameyntaasi si xooggan uga walaacsan dowladda Mareykanka oo cadaawad kala dhaxeyso Ruushka.

Macalimiin iyo khubaro katirsan milatariga Ruusnhka ayaa gaaray dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Niger, waxaa sidoo kale Ruushka dalkaasi geeyay qalab milatari oo casri ah uu ku taageerayo ciidamada Niger.

Milatariga talada Niger la wareegay ayaa bishii Janaayo oggolaatay inay xoojiso iskaashiga militari ee ay la leedahay Ruushka, ka dib markii ay eriday ciidamada Faransiiska ee gacan ka siinaayay dagaalka ka dhanka ah fallaagada Xagjirka ah ee gobolka Saaxil.

Dowladda Ruushka ayaana ka caawinaya dowladda Nager hannaanka difaaca hawada ee dalkaasi, waxa uu sidoo kale Ruushka dalkaasi ugu deeqay qalab casri ah iyo hub kala duwan oo nuuca difaaca ah.

Mareykanka ayaana si xooggan uga walaacsan xiriirka iyo saameynta xooggan uu Ruushka la yeelanayo qaar kamid ah waddamada Afrika, waxa uuna Mareykanka ka cabsi qabaa in Ruushka saldhigyo waa weyn ka sameesto qaar kamid ah waddamada Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sanadka cusub ee 2025 oo ka curtay dalalkii ugu horeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Xubnaha Aqalka Sare oo cod u qaaday xeerka dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World

Caydiid Ali

Nin Dilay Caruur badan kana dhuuqa Dhiiga oo ka baxsaday Xabsi uu ku xirnaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---