Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay gudaha magaalada Adis Ababa

Xaalada dalka Itoobiya ayaa u muuqda mid sii xumaanaya oo faraha kasii baxaya muddooyinkan u dambeeyay, waxaana falal amni darro iyo dagaalo sukeeye ka socdaan qaar kamid ah gobolada dalkaasi.

Dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay ka dhacay gudaha magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, dagaalka ayaana u dhaxeeyay xubno katirsan jabhada hubeysan ee Fano iyo ciidamada ammaanka Itoobiya.

Booliiska magaalada Adis Ababa ayaa war ay soo saareen ku shaaciyay in dagaalka dhacay ku dhinteen saddex qof, waxa ayna tilmaameen in dadka dhintay labo kamid ah katirsanaayeen jabhada Fano , halka qofka kalana uu ahaa shacab.

Dagaalka ayey sidoo kale booliiska magaalada Adis Ababa shaaciyeen in ay ku dhaawacmeen labo askari oo katirsanaa ciidamada ammaanka, waxa ayna xuseen in hadda socdaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Jabhada hubeysan ee Fano ayaa inta badan ka howlgasha gobolka Amxaarada Itoobiya, waxa ayna jabhadan dagaal xooggan la gashay ciidamada Federaalka, iyagoona ka saaray ciidamada deegaanno badan oo katirsan gobolkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaan Caan oo Maqaal ka qoray Bahdilka uu Soomaaliya ku hayo Yuweri Museveni ! !

admin

Daawo:-Xasan Cali Khayre & C/raxmaan C/Shakur oo xanaaq ka muuqday oo ka hadlay weerarkii xalay !!

admin

Sargaal Ciidan oo Caan ah oo loo magacaabay Guddoomiye Degmo (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---