Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaacisay tirada Al Shabaab looga laayay weerarkii saakay ka dhacay Baar Sanguuni

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in 27 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab  lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee hoos taga degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose.

Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa shan ka tirsan maleeshiyaadka Al Shabaab, iyadoo hawlgalkan uu ka dambeeyay ka dib markii Al Shabaab ay isku dayeen in ay weeraraan fariisin ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaankaas, laakiin ciidamada oo sii hayey xogta cadowga ayaa ka hortagay dhagartooda sidoo kalena jab xooggan gaarsiiyay.

Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa cadowga  ku jabiyay mudooyinkii ugu dambeeyay hawlgalo badan oo ka dhacay gobolada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelinaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ee mar kasta ku garab taagan dagaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga xoraynayo cadowga arxanka daran ee Khawaarijta.

Related posts

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo xafiis ka furaneysa Magaalo ku taalla gobolada dhexe

Caydiid Ali

Darawal Bajaaj oo laga soo badbaadiyey Gabar 5 jir ah & afhayeenka Wasaarada amniga oo ka hadlay

Caydiid Ali

Boqortooyada Sacuudiga oo maanta Su’aalo adag lagu weydiin doono magaalada Geneva

Cabdi Cade
Taboola Ads ---