Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo Kenya u ambabaxay

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo hal maalin ah ku jooga magaladda Nairobi ayaa ka helay casuumaada dhigiisa madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi oo faahfaahin ka bixiyey safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in u daaran yahay Adkewynta xiriirka labada dal,iskaashiga dhanka ganacsiga iyo cilaaqaadka labada dal ka dhexeeya.

Dhanka kale waxay ka wadda hadli doonaan labada madaxweyne sidii ay isaga kaashan lahayeen la dagaalanka Argagixisada,maadaama ay caqabad weyn ku yihiin geeska Afrika.
Kulanka ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Xasan Sheekha iyo William Ruto ayaa la rajeynaya in ay ka soo baxaan wadda hadalo mira dhal ah,sida uu u sheegay warbaahinta dowladda Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Related posts

Ciidamada Danab oo Arrimo loo riyaaqay ka sameeyay Galcad iyo Deegaanno kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Isimada ku shirsan Laascaanood oo ka hor yimid dhexdhexaadinta Madaxweynaha Jabuuti

Caydiid Ali

Dumarka Xil doonka ah ee u Gefeya Diinta Islaamka oo kusoo badanaya Soomaaliya !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---