Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo marti gelineysa shir caalami ah oo 14 dowladood ay ka qeyb galayaan

Shir ay isugu imanayaan kooxda xiriirka Somalia ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu wadaa in beri oo Sabti ah oo ka furmo magaalada Muqdisho.

Kooxda xiriirka Somalia ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban 15 dal sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

“27-ka Oktoobar, Muqdisho waxay martigelin doontaa kulan ay iskugu imaanayaan xubnaha 14-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka. Sida lagu heshiiyay” ayaa lagu yiri qoraal wasaaradu ku faafisay baraheeda bulshada.

Laguma sheegin qoraalka waxyaabaha looga hadlayo iyo nooca ay yihiin masuuliyiinta ka qeyb galaysa balse Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka mid ah ururada caalamiga ah ee taageera Somalia.

 

15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka

1- Azerbaijan
2- Brunei
3- Djibouti
4- Egypt
5- Gabon
6- Iran
7- Kuwait
8- Malaysia
9- Pakistan
10- Qatar
11- Saudi Arabia
12- Sudan
13- Turkey
14- UAE
15- Yemen
Waxaa intaa dheer
Xoghaynta guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday magaalo kutaala Hindiya !!

Cabdi Cade

Jabhadda ONLF oo eedeyn kulul u jeedisay maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya

Caydiid Ali

Soomaaliya oo Ku Jirta Liiska Dalalka uu ka jiro Hufnaan La’aanta Maaliyadeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---