Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo soo riday dayuurad Drone ah oo iyaga lagu basaasayey (Sawirro)

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Ururka 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad ayaa xalay sheegay iney soo rideen dayuurad Drone ah oo ay aaminsan yihiin iney adeegsanayeen Al Shabaab.

Dayuuradan oo ah mid aad u yar oo la moodo qalabka ay ku ciyaarto caruurto ayay ciidanku rasaas ku fureen xili dul mareysay xero milateri oo ku taalla duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool

“Drontan ayey khawaarijtu u isticmaali jireen basaasida ciidanka iyadoo la soo riday xili ay ku guda jirtay basaasidda fariisimaha ciidanka Naftood hurayaasha ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada.

Waxaa la sheegay in dayuuradan ay ku xirnaayeen kaamirooyin yar yar oo loo adeegsan karo in wax lagu basaaso.

Lama oga weli halka ay al shabaab ka keentay dayuuradan, inkastoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili dhowaan la qabtay ganacsato Soomaaliyeed oo dekeda Muqdisho kala degtay Kontainaro ay ku jiraan qalab ciidan oo elektronic ah sida qalabka habeenkii wax lagu arko, dayuurado Drone ah oo basaasnimada loo adeegsado iyo waxyaabo kale oo la aaminsan yahay in loo waday Al shabaab.

Related posts

Mustafe Cagjar oo arrin yaab leh ku amaanay Abiy Ahmed & caro ka dhalatay

Caydiid Ali

Golaha Wasiiradda oo ansixiyay heshiis iskaashi oo u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Cabdi Cade

Puntland oo si adag uga hortimid go’aan kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---