Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu Madaxweyne Xasan kala hadlay haweenka ku jira Saraakiisha Ciidamada?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga awgeed caawa kulan dhiirigelin ah la qaatay qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida.

Xasan Shiikh ayaa ku bogaadiyay saraakiisha haweenka ah sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalka, ilaalinta gobanimada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada Soomaaliya.

Waxa uu ku booriyay in ay laba jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah al shabaab.

Munaasabadaas oo ay joog ka ahaayeen wasiirka gaashaandhiga iyo taliyeyaasha ciidamada NISA iyo XDS ayaa waxaa abaal marino iyo bilado Madaxweynuhu gudoonsiiyey haweenka saraakiisha ah ee kulankaas nasiibka u yeeshay iney ka qeyb galaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Galmudug oo ka jawaabtay hadal ay shalay soo saareen Xildhibaanada Golaha shacabka

Caydiid Ali

Wasiiradda Magacaaban oo bilaabay Olole ay ku raadinayaan Kalsoonida Golaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaanadii foodada ka abuuray Doorashadii Aqalka Sare ee Hirshabelle oo talaabo laga qaadayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---