Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Al-Burhaan oo Digniin culus u diray Mucaaradka iyo taliska ciidanka RSF

Jeneral C/Fataax Al-Burhan C/Raxmaan Al-Burhan oo ah madaxa Golaha KMG ee haya talada dalka Sudan iyo taliyaha guud ee milliteriga dalkaasi ayaa maanta digniin adag u diray mucaaradka dowladda iyo taliska ciidanka gurmadka deg degga ee RSF.

Al-Burhaan waxa uu sheegay inaysan marnaba talada dowladda Sudan ku wareejin doonin jihooyin ku sugan gudaha iyo dibedda dalkaasi iyo inaysan qorsheynayn in furaan wax wada-xaajood ah ilaa laga soo af-jarayo dagaalka lagula jiro iyo kuwa la safan dembiilayaasha .

Waxa uu tilmaamay in la sii wadi doono dagaalka lagula jiro fallaagada hubeysan, iyo in shaqsi kasta oo khiyaama shacabka Sudan ama ammar ka soo bixiya gudaha iyo dibedda Sudan uusan wax door ah ku yeelan doonin mustaqbalka maamulka dowladda.

Dhinaca kale, Jeneral Al-Burhan waxa uu xusay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka inay soo af-jari doonaan, iyadoo ay Ciiddanka iyo Shacabka Sudan ay Ciidda soo socota ciidi doono la’aanta maleeshiyada Janjawiit, calooshood u shaqaystayaasha iyo sirdoonka shisheeyaha.

Ugu dambeyntii, Al-Burhan waxa uu carrabka ku adkeeyey in dagaalkii Sudan ka qarxay bishii April 15-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii loo aqoonsan doono Dagaalka Karaamada , isla markaana aan dib loogu laaban doonin dhacdootinkii la soo maray wixii ka horeeyey bishii April 15-dii ee sanadkii 2023, bishii October 25-dii ee sanadkii 2021-kii ama bishii April ee sanadkii 2019-kii.

 

Related posts

Mareykanka oo meel mariyay sharci sababi kara in dalkaasi laga mamnuuco Tiktok

Cabdi Cade

Madaxii Hay’adda Verenel Association ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Caydiid Ali

Xamse Barre oo Guddoomiyay kulan looga hadlay Caddaalad gaarsiinta Deegaannadii Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---