Allbanaadir.com
NEWS

Madax ka tirsan Jubbaland & shacab ku wada tukaday goobo kala duwan (Sawirro)

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Jubbaland iyo shacab wayne kasoo socdaalay xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo ayaa salaadda sunnada ee Ciidul fidriga ah kuwada oogay garoonka Ciyaaraha ee Waamo.

Boqolaal shacab ah ayaa si wayn isugu soo baxay garoonkan iyagoona si wadajir ah u qaybsaday farxadda maalintan wayn.

Masuuliyiinta kale oo ka tirsan Jubbaland ayaa Boqolal shacab ah oo ka kala yimi xaafadaha Degmada Kismaayo salaada ciida kula tukaday Masjidka Maxfalka xafada farjano ee  Magaalada Kismaayo

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa dadka Jubbaland ugu hambalyeeyey munaasabadda ciidul fidriga, wuxuuna rajaayey nabad iyo barwaaqo.

“Ciidan Ciida xigta waxaan ku ciidi doonnaa meelaha ay hadda Khawaarijta haystaan inagoo ka xoraynay” kalmadda munaasabadda Ciidul fidriga ee ku simaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud

Related posts

Al-Shabaab duulaan ka soo laabtay oo lagu duqeeyey gobolka Jubada hoose

Caydiid Ali

Dadaalo xal loogu raadinayo Doorashada Gudoonka Guddiga Doorashada Somaliland oo socda

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) RW Khayre oo qaabilay safiirada labo dal oo reer galbeed ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---