Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo waqti la qaatay agoonta ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga la qaatay qaar ka mid caruurta Halyeeyadii ku shahiiday dagaalka ka dhanka ah al shabaab ayaa tilmaamay in dowladdu ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta  Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda qaaliga ah u hureen xoreynta iyo difaaca dalka ay ummadda Soomaaliyeed ugu qoranyihiin Baal dahabi ah, dowladdooduna aysan marnaba hilmaami doonin ubadka iyo ehelladooda sharafta badan, isaga oo Alle u weydiiyay dhammaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku amaanay hooyooyinka iyo waalidiinta kale ee gacanta ku haya barbaarinta ubadka Shuhadada, sida kartida iyo dhabar adeyga leh ee ay dusha u saarteen mas’uuliyadda daryeelka caruurta isaga oo adkeeyay in dowladdu ay doorkeeda ka qaadan-doonto waxbaridda caruurtan.

Related posts

Sidee RW Xamse Barre iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Doha? (Dawirro)

Caydiid Ali

Qiimeyn: Madaxdii ugu fiicnayd & kuwii ugu xumaa ee soo maray Somalia

Caydiid Ali

Wararkii u dambeyay shirarka Muqdisho & Farmaajo oo wajahaya cadaadis xooggan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---