Allbanaadir.com
NEWS

Sidee looga ciiday Magaalada Garowe ee caasimada Puntland? (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Garoonka Kubada Cagta ee Mira Awaare Salaada Ciidul-fitriga kula tukaday Shacabka Caasimada.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa shacabka reer Puntland, kan Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan farxada leh  ee Ciidul Fitriga, isaga oo  u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo amni.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bulshada la wadaagay in dowladda Puntland ay u taagan tahay illaalinta Midnimada Soomaaliyeed  iyo wixii Soomaali ku heshiisay sidaas darteedna aysan marna aqbalayn wax aan heshiis lagu ahayn.

Munaasabada Ciida waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Saraakiil, Isimo, Nabadoono iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Related posts

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo hadal yaab leh ka sheegay Shirkii golaha Wasiirada

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in xilkii laga qaaday Taliyihii ciidanka ilaalada Raisul Wasaare Rooble?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---