Wararka ka imaanaya gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay dad muslimiin ah, kuwaa oo la beegsaday xilli la sheegay in ay kasoo baxeen masaajid ay kusoo dukadeen.
Inta la xaqiijiyay kooxo hubeysan oon wali heybtooda la garan ayaa si bareer ah u dilay shan qof oo muslimiin ah, waxaana dadkan la dilay la sheegay in afar kamid ah ay ahaayeen dad isku qoys ah.
Falkan lagu dilay dadka muslimiinta ah ayaa ka dhacay magaallada Baxardar ee xarunta gobolka ee Amxaarada Itoobiya, waxaana baxsaday oon la arag raggii dilkaasi muslimiinta loo geestay ka dambeeyay .
Ali Getahun oo ka tirsan Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la dilay muddooyinkii lasoo dhaafay lagu hayay handadaad iyo cabsi gelin, waxa uuna xusay in dadkaasi laga rabay lacago baad ah .
Waxa uu sheegay Ali Getahun in bilihii lasoo dhaafay weerarada ka dhanka ah muslimiinta ay kusii kordhayeen gobolka Amxaarada, waxa uuna sheegay weeraradaasi ay geesanayaan kooxo muslimiinta ka raba baad kuna haya handadaad.
Ammaanka gobolka Amxaarada Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe faraha kasii baxayay, waxaana halkaasi ka socday dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaad hubeysan oo Amxaaro ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com