Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo weerar qorsheysan ku dishay Cali Axmed Xassin iyo carro ka dhalatay

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen koonfurta dalka Lubnaan  waxa ay ku shaaciyeen in ay ku dileen sargaal sare oo katirsanaa kooxda dowladda Iran taageerto ee Xisbullaahi .

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku sheegeen in ay duqeynta ay ka fuliyeen koonfurta dalka Lubnaan ku dileen Cali Axmed Xassin ay sheegeen in uu ahaa sargaal sare oo katirsan Xisbullaah, gaar ahaan ciidanka lagu magacaabo Radwan.

Dhinaca kale ururka Xisbullaah ayaa shaaciyay dhimashada sargaalkan katirsanaa kooxdooda, mana bixin kooxdan faah faahino kale oo dheeraad ah oo ku saabsan dilkan iyo shaqada uu hayay sargaalka.

Dilka ay Israa’iil u geesatay sargaalkan katirsanaa Xisbullaah ayaa waxa aka dhashay carro xooggan, waxa ayna saraakiil katirsan kooxdan ku hanjabeen in ay qaadi doonaan tallaabooyin aargudasho ah.

Israa’iil ayaa duqeymo marar badan ka fulisay dalalka Lubnaan iyo Syria ku didhay saraakiil sar sare oo katirsan kooxda Xisbullaah iyo sidoo kale ciidanka kacaanka Iran, waxa ayna wali Israa’iil sii wadaa beegsida xubnahaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo magacaabay Guddi heer Wasiir ah iyo waxa ay qabanayaan oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Trump oo boorka iska jafaya & xanibaadii laga saaray Baraha bulshada oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Weerar ku qaaday madaxda dalka kana horyimid go’aannadii golaha…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---