Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada beesha caalamka ayaa weerar dhanka cirka ah ku dilay kuw dhawaad 50 ka tirsan al shabaab sida ay sheegtay warbaahinta DF
Weerarka ka dhacay deegaan ku dhow Xarardheere oo lagu magacaabo Baraagta Gurguurte ayaa waxaa ka mid ah xubnaha lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Axmed Jiis oo lagu eedeeyey inuu qorsheynayay falal argagixiso ah.
“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku daba jira haraadiga kooxda Khawaarijta ee ku cararay duurka, iyadoo shacabka deegaanka uga mahadceliyey sida ay oganatahay soo afjiradda Khawaarijta waqtigooda dhamaaday ee Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri warka ay baahisay DF.
Al shabaab kama hadlin weerarkan, loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah, hase ahaatee waxaa weerarkan uu ku soo aadayaa xili ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya dadka hubeysan ee degaanka iyo ciidamada Mareykanka ay mudooyinkan howlgalo ka wadeen gobolada dhexe.