Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Booliiska Somaliland oo Hrageysa ku qabtay Haween moobeelo soo dhacay

Ciidanka booliiska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay labo dumar ah oo lagu eedeeyay in ay soo dhaceen moobeelo dad kale lahaayeen, waxaana haweenka burcada ah iyo moobeeladii ay soo dhaceen la geeyay saldhig kuyaalla Hargeysa.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in gacanta ku hayaan dumarka burcada ah iyo telfoonadii ay soo dhaceen oo gaaraya ilaa 7 xabo, waxa ayna booliiska ugu baaqeen daka leh moobeeladaasi muuqda in ay soo doontaan.

”Booliiska ayaa soo qabtay moobeeladan shaashadooda sawiradda ka muuqdaan. Waxaanan ka codsanaynaa dhammaan cidda ay ka maqanyahiin telefoonnadaasi inay degdeg u yimadaan saldhiga degmada Gacan Libaax ee (New Hargaysa) waxaana laga rabaa inay sheegaan calaamaddihiisa iyo Password ka” ayaa lagu yiri warka booliiska.

Booliiska Somaliland ayaana uga digay dadka shacabka ah in ay ka taxadaraan haweenka burcada iyo ragga sidoo kale oo xilliyada ciidda dadka baarta, waxa ayna ugu baaqeen ciddii ay arrimahan oo kale uga shakiyaan in booliiska kusoo wargaliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dab xoogan oo qabsaday Goobo ganacsi oo kuyaala Muqdisho oo la damiyay

Cabdi Cade

Dayuuradaha Itoobiya oo duqeymo culus ka geystay Magaalada Makelle

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo si qurux badan loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---